Ra’iisulwasaaraha oo maanta shir gudoomiyay shirkii Golaha Wasiirada Juballand+SAWIRRO

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa caawa shir guddoomiyay kulanka Golaha Wasiirrada Jubbaland oo diiradda lagu saaray gurmadka dadka Soomaaliyeed ee ay daadadku saameeyeen iyo wajiga labaad ee ciribtirka kooxaha Khawaarijta ah.

Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa Golaha Wasiirrada Jubaland warbixin qoto-dheer ka siiyay howlaha horutabinta u leh Xukuumadda Dan-Qaran, gaar ahaana qorsheyaasha ku aaddan wax ka qabashada isbeddelka Cimillada oo sabab u ah in dalkeennu u dhexeeyo abaaro iyo daadad.

Advertisement

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay mashaariicda horumarineed ee Dowladda Federaalku u hayso dhammaan Dowlad Goboleedyada dalka, gaar ahaanna Jubbaland oo uu ka daah-furay, kana dhagax-dhigay tiro mashaariic ah kuwana kala ay waddada kusoo jiraan.

Ugu dambeynta Ra’iisul Wasaaraha ayaa faray wasiir walba iyo masuul walba in uu kaalin muuqata ka qaato dagaalka lagula jiro kooxaha Khawaarijta ah oo dhawaan uu wajiga labaad ee dagaalka lagu ciribtirayo ka bilaaban doono Jubaland.

Previous articleThese 16 Exercises Will Help You Blast Belly Fat
Next articleLiveGood Powerline

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here