Yaa U Soo Baxay Champions Iyo Europa League, Rajada Arsenal, Yaa U Laabtay Heer Ka Labaad & Natiijooyinkii Maanta Ee Premier League

LIVE U DHAGEYSO WARKII MAANTA :-0017124329950 USA 7124329950

Advertisements

Xilli ciyaareedka horyaalka Premier League ayaa si rasmi ah u soo xirmay caawa iyadoo kulamo waali ah la ciyaaray islamarkaana goolal badan la iska dhaliyay.

Man United iyo Chelsea ayaa maanta xaqiijistay inay u soo baxeen tartanka Champions League iyagoo ku biiraya kooxaha Liverpool iyo Manchester City.

Man United waxay 2-0 ku suuldaartay Leicester City taasoo ka dhigtay inay xilli ciyaareedka ku dhameystaan kaalinta 3aad halka Chelsea ay 2-0 iyadana ku garaacday Wolves waxayna kooxda tababare Lampard ku dhameysteen kaalinta 4aad.

Advertisements

Kooxaha u Soo Baxay Champions League:

1- Liverpool

2- Man City

3- Man United

4- Chelsea

Boosaska loogu soo baxayo Europa League ayaa iyagana tartan loogu jiray, guusha ay Chelsea ka gaartay Wolves ayaa la micno ah in Wolves ay ka baxday kaalinta 6aad iyagoo seegay u soo bixitaankooda tartanka labaad ee ugu xiisaha badan Yurub.

Leicester City oo laga beeniyay riyadeedii aheyd inay Champions League u soo baxaan ayaa kaalinta 5aad ku dhameysatay halka Tottenham oo barbaro 1-1 ah la gashay ay Crystal Palace ay ku dhameysatay kaalinta 6aad.

Kooxda seddexaad ee Europa League u soo bixi doonta waxay noqon doontaa midkood Arsenal ama Wolves. Haddii Arsenal ay ka badiso Chelsea finalka FA Cup waxay noqoneysaa kooxda seddexaad ee Ingariiska ku matali doonta Europa League.

Laakiin haddii Chelsea ay qaado FA Cup markaas booska seddexaad waxaa iska leh kooxda kaalinta 7aad ku dhameysatay ee Wolves.

Kooxaha U Soo Baxay Champions League:

5- Leicester City

6 – Tottenham

7 – Wolves ama Arsenal haddii ay ka badiso Chelsea finalka FA Cup.

Kooxaha u dagaalamayay inay ka badbaadaan heerka labaad ayaa iyagana tartan xoog leh galay maanta. Arsenal oo guul ku soo xirtay xilli ciyaareedkeeda ayaa heerka labaad u dirtay kooxda Watford oo ku dhameysatay xilli ciyaareedka kaalinta 19aad.

Waxay Watford ku biireysaa Norwich City oo ugu hooseysa horyaalka xilli horena xaqiijisatay inay Championship u dhacday iyo kooxda Bournemouth oo si niyadjab leh ku hartay inkastoo ay 3-1 maanta kaga badiyeen Everton.

Laakiin waxaa badbaaday Aston Villa oo dhibic kaliya ku badbaaday ka dib barbaro ay la galeen kooxda West Ham.

Kooxaha U Dhacay Heerka Labaad:

18- Bournemouth

19- Watford

20 – Norwich

Natiijooyinkii Kulamadii Maanta:

Arsenal 3-2 Watford

Burnley 1-2 Brighton

Chelsea 2-0 Wolves

Crystal Palace 1-1 Tottenham

Everton 1- 3 Bournemouth

Leicester City 0-2 Man United

Manchester City 5-0 Norwich City

Newcastle 1- 3 Liverpool

Southampton 3-1 Sheffield United

West Ham 1-1 Aston Villa

Advertisements
Advertisements

Laacib.net

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net


Source: warkii.com

Sports News
WARARKII