Yaa Lala Eegtay Qaraxii Maanta Ka Dhacay Magaalada Muqdisho?

LIVE U DHAGEYSO WARKII MAANTA :-0017124329950 USA 7124329950

Warar dheeraad ah ayaa sheegaya in Qaraxa oo ka dhacay Magaalada Muqdisho gaar ahaan meel ku dhaw Safaarada Qatar hadda la helayo khasaaraha ka dhashay.

Wadada Lambar Afar ee aada Dhinaca Tarabuunka ayuuna Qaraxa ka dhacay,waxaana lala eegtay Gaari Ciidamada Booliska Soomaaliya wateen.

Labo Askari ayaa la sheegay in Qaraxaas ay ku dhinteen iyadoo lasoo sheegayo tiro kale ku dhaawacmeen.

Wararka waxay sheegayaan Qaraxaas lagu weeraray Taliye Kuxigeenkii hore Ee Meliteriga Soomaaliya,inkastoo uu ka bad baaday.

Wadada oo hore aad dhagaxda Shubka ugu xirnaayeen ayaa meelihii furnaa Ciidamada amniga xireen,waxaana Gaariga Qaraxa miinada haleelay la arkayey sawiro lasoo qaaday isagoo bur bur ka muuqday.

Qaraxyada nuucaan oo kale ah ayaa waxa sheegta Mas’uuliyadiisa Ururka Al Shabaab waxaana khasaaraha ugu badan soo gaaraan Shacabka.


Source: warkii.com

Sports News
WARARKII