Yaa Bixiya Amarada Amniga,Garsoorka Ma Madaxweynaha Mise Ra’iisal Wasaaraha?

Xog la ogaaday waxay muujineysaa in Hogaaminta Dalka uu la wareegay Ra’iisal Wasaare Xasan Cali Kheyre,taas oo hay’ada Fulinta Shaqada uu kala wado.

Is muujinta,Booqashada La sameeyo,Ciidanka oo la booqdo,Kormeerada meelaha qaar waxay ka dhigan tahay inuu isku muujinayo Ra’iisal wasaare Kheyre.

Xasan Cali Kheyre Siyaasad ahaan lama aqoon ka hor inta Madaxweyne Farmaajo ka dhigin Ra’iisal Wasaaraha Bishii Maarso 2017-kii.

Saameynta uu abuurtay waa mida ku muujisey inuu sameeyo una hanqal taago doorashada 2021-ka taas oo dad badan ay leeyihiin waxa uu noqday Siyaasi helay Taageero badan.

Waxa uu diyaarsadaa Erayo soo jiidasho leh xilliyada uu khudbeenayo,waxa uu kaga wanaagsan yahay Fagaaro ka hadalka Madaxda Kale Ee Dalka.

Xasan Cali Kheyre waxay dadka ku dhaw sheegeen in 2021-ka uu ku haminayo inuu guuleysto si dalka iyo dadka uxukumo,waxaana laga yaabaa in Dhaqaale badan uu ku bixiyo guushaasi.

Soo laabashada Axmed Madoobe ayuu aad u daneenayaa,si uu Jubbaland uga helo taageerada Doorashada Xildhibaanada Kasoo galaya 2021-ka.

Hadaba waxaa la sheegay in Amarada Amniga iyo kuwa Garsoorka laga gaaro uu bixiyo Ra’iisal Wasaaraha Dalka,iyadoo lasoo tebiyey Madaxweyne Farmaajo Howsha Hogaaminta Dalka uu si maldahan ku wareejiyey Xasan Cali Kheyre.

Untitled Document

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

UK TEL 03306060934

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here