Xukuumadda Somalia Oo Fariin Bogaadin Ah U Dirtay Boqortooyada Sacuudiga

Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Sheekh Nuur Maxamed Xasan, ayaa bogaadiyay howlaha iyo adeegyada ay Boqortooyada Sacuudi Carabiya u diyaarisay xujayda Sanadakaan.

Wasiirka ayaa tilmaamay horumarka wayn ay Boqortooyada Sacuudiga ka gaartay nidaaminta iyo fududaynta adeegyada xujayda sanadakan ,kuwaasi oo si heer sare ah loo diyaariyay, islmarkaasna lagu soo kordhiyay adeegyo casri ah.

Wasiirka Awqaaf iyo Arrimaha Diinta ee Soomaaliya, Mudane Sheekh Nuur ayaa si gaar ah ugu mahad celiyay wasaaradda Xajka iyo Cumrada Boqortooyada Sacuudiga sida wanaagsan ay xujayda Soomaliyeed ugu adeegeen, iyagoo u fududeeyay dhamaan adeegyadii ay u baahnaayeen,wuxuuna tallaabadaasi ku tilmaamay in ay tahay hiil walaaltinimo.

Wasaaradda Cumrada iyo Xajka Boqotooyada sacuudiga sanadkan waxa ay ku soo kordhisay adeegyo casri ah iyo Barnaamijyo, kuwaas oo ka qaybqaatay fududaynta adeegyada xujayda sanadakan.

Untitled Document

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

UK TEL 03306060934

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here