XOG XASAASI: Ra’iisal Wasaare Kheyre Oo AMISOM Ka Mamnuucay Xafiiskiisa

Waa Arin dad badan ay is weydiinayaan sababta keentay in Ciidamada AMISOM loogu sheegay in aan laga rabin Xafiiska Ra’iisal Wasaare Xasan Cali Kheyre.

Xog aan helnay ayaa sheegeysa in Wasiirka Koobaad Ee Dalka uu go’aansaday in Xafiiskiisa ay Amnigeeda sugaan Ciidamada Soomaaliyeed.

Waxa uu Sheegay mudane kheyre in heybad ahaan Askarta Qaranka ay soo dhismeen laguna aamini karo inay Nabad gelyada sugaan Xafiiskiisa.

Maalmo ka hor ayuu sheegay Xasan Cali Kheyre inay hadda ka fiirsanayaan sidii Xarumaha kale Ee Hay’adaha Dawlada uga wareejin lahaayeen.

Hore go’aanka xafiiskiisa waxa uga qaatay inay ilaaliyaan Ciidamada AMISOM Gudoomiyaha Golaha shacabka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan.

Hadda xafiiska Madaxweyne Farmaajo ayey Ciidamada sugaan intooda badan,lamina oga sida uu Madaxweynaha isaguna ka yeeli doono.

Dawlada Dhexe Ee Soomaaliya ayaa ku faantay in Dhaqaale badan ay ku bixineyso soo celinta Heybadii ciidanka Qaranka Soomaaliyeed lahaayeen.

Waxay Madaxda Soomaaliyeed sheegeen inay Dalka dhismiihiisa uu ugu horeeyo Ciidanka Qalabka Sida oo la adkeeyo si loo helo awood dalka xukunta Amnigeedana sugta.

Untitled Document

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

UK TEL 03306060934

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here