Xog Xasaasi ah oo laga helay wararka sheegaya geerida Cali Dheere & Sababta

Af-hayeenka Guud ee Al-Shabaab Sheikh Cali Maxamuud Raage ayaa la sheegay in jimcihii la soo dhaafay u geeriyooday dhaawac ka soo gaaray dagaal ciidamada Militariga Soomaaliya iyo Al-Shabaab ku dhexmaray duleedka degmada Awdheegle oo 70-km dhanka Koonfur Galbeed ka xiga magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho.

Illo Militariga Soomaaliya ka tirsan ayaa laga soo xigtay geerida Cali Maxamuud Raage (Cali Dheere),kaasi oo u geeriyooday dhaawac soo gaaray.

Al-Shabaab iyo Dowladda Federaalka wali war rasmi ah oo xaqiijin kara geerida Cali Dheere kama soo bixin,waxaana sidoo kale baraha Bulshada qabsaday wararka sheegaya inuu Af-hayeenka Al-Shabaab u geeriyooday dhaawac ka soo gaaray howlgal dhaba gal ah oo 11-kii bishan ka dhacay deegaanka Shaam oo u dhaxeeya Bariire iyo Awdheegle oo ka tirsan Gobolka Shabeellaha hoose.

Weerarkan ayaa daba socday dagaal horay ciidanka uu soo tababaray Turkiga ee loo yaqaano DANAB ay kula wareegeen degmada Awdheegle oo goob istiraatijiyad u ahayd Al-Shabaab,halkaasi oo ay mudo sanado ah ka arraminayeen.

Untitled Document

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

UK TEL 03306060934

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here