XOG: Wasiiro xoog ku degan huteel mulkiilihiisu u habjabtey AlShabaab iyo xiisad culus oo taagan

Dhowr wasiiro oo ka tirsan maamul goboleedka HirShabelle ayaa waxay xoog ku degan yihiin huteel ku yaala bartamaha magaaladda Jowhar ee caasimadda maamulkaasi, sidda uu ogaadey Warkii Online.

Illo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in mulkiilaha huteelkaasi uu waydiistay mas’uuliyiinta in ay ka guuraan huteelka, maadaama ay ugu goodiyeen AlShabaab in ay weerar kusoo qaadayaan.

Wasiiradda ayaa ka diidey mulkiilaha in ay ka guuraan, iyaga oo u sheegay in ilaaladooda ay sugi doonan ammaanka dhismaha, hadii uu ka dhago fureystana hadalkooda ay isagaba xiri doonan.

Mulkiilaha oo magaciisa khariyey sababo amni darteed ayaa sidoo kale waxa uu dalbaday in aanan lasoo bandhigin magaca mehradiisa maadaama ay waxyeeleyneyso sumcadda ganacsigiisa, sida uu yiri.

Inta badan wasiirada HirShabelle ayaa degan huteelo ku yaala magaaladda, maadaama dowlad goboleedkaasi uusan lahayn xarumo waaweyn oo ay hoy ka dhigtaan, isla markaana uu yahay mid curdan ah.

AlShabaab ayaa looga bartay in ay weeraro kala duwan ku qaado huteelada iyo xarumaha dowladda, iyaga oo adeegsaneysa duulaano isugu jira kuwa toos ah iyo mid ay qaraxyo loo adeegsaday oo gaadiid lagu soo rakibay.

Untitled Document

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

UK TEL 03306060934

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here