XOG: Wasiir saameyn ku leh xukuumadda oo xilkiisa ku weynaya Go’aanka Kheyre

Waxaa soo baxaya warara sheegaya in Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre qorsheynayo inuu xilka ka qaado Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Mudane Maxamed cabdi Xayir Maareeye.

Xog aan helnay ayaa sheegeysa in sababta xilka looga qaadayo Wasiir Maareeye ay tahay in loo wareejiyo Wasaarad kale oo loo arkay inuu muhiim u yahay shaqadeeda.

Lama oga waxay tahay wasaaradda kale ee Wasiirka Warfaafinta loo wareejiyo,balse wuxuu yahay hadalkan midka ugu badan ee maanta sida aadka ah looga hadal hayo Wasaaradda warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya.

Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya,Maxamed Cabdi Maareeye ayaa horay looga soo wareejiyay Wasaaradda ganacsiga iyo Warshadaha oo la rumeysan yahay inuu wax badan ka soo qabtay.

Wasiir Maareeye ayaa si aad ah u difaaca Xukuumadda Kheyre,wuxuuna isbedel wanaagsan ku sameeyay wasaaradda uu haatan madaxda u yahay ee warfaafinta,sida dad badan ay qabaan.

Untitled Document

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

UK TEL 03306060934

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here