XOG: Villa Soomaaliya Oo Go’aan Ka Qaadatay Murashaxiintii Ay Wadatay Galmudug

Warar is khilaafsan ayaa kasoo baxaya kala aragti duwaanshiyo ka dhalatay Murashaxiinta madaxtooyada Soomaaliya wadatay Ee Doorashada Galmudug.

Madaxweyne farmaajo iyo Ra’iisal Wasaare Kheyre ayaa la sheegay inay isku maan dhaafeen Shakhsiga in lasoo saaro Galmudug.

Madaxda Qaranka ayaa midba waxa uu la safan yahay Murashax gaar ah waana tan keentay in culeysyo siyaasadeed ay durba soo if baxaan.

Farmaajo ayaa bilaabay qorshe uu kula heshiinayo Beelaha si xildhibaanada ay soo saari doonaan ay dhankisa unoqdaan,taas oo sheeda kala socdo isna Ra’iisal Wasaare Kheyre.

Ilo madax banaan ayaa Warkii Online usheegay in laga yaabo Murashaxiinta la hadal hayey Ee dawlada wadatay midkodna uusan helin Guusha Galmudug.

Axmed Qoor qoor iyo Cabdi Dheere ayaa Xafiisyada Madaxweynaha iyo kan Ra’iisal Wasaaraha looga kala sacbinayaa.

Warar ayaa sheegaya in Siyaasiyiin kale ay macquul tahay inay ka dhex dusiyaan oo Kursiga Galmudug sidaas ku helaan,iyadoo shukaansi hoose uu socdo.

Shabakada Warkii Online ayaa ogaatay in Beesha Sacad Siyaasi kasoo jeeda oo deggan Dalka Imaaraat-ka Carabta loo yeeray si uu Madaxweynaha Galmudug unoqdo.

Untitled Document

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

UK TEL 03306060934

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here