XOG: Siciid Dani Oo Amray In Taliyeyaal Xilal Sare Haya Xabsiga…

LIVE U DHAGEYSO WARKII MAANTA :-0017124329950 USA 7124329950

Maanta oo Khamiis ah ayaa waxay sheegayaan wararka aan heleyno in Xabsiga laga sii daayey Labo Sargaal oo ciidanka Puntland Xilal ka hayey.

Xogo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in Taliyaha Saldhiga Bartamaha Garoowe dhamme Maxamuud Muuse Bile iyo Taliye ku xigeeka Qaybta Booliiska Gobolka Nugaal Gaashaanle Cismaan Maxamuud Buraale dib xoriyadooda loo siiyey.

Ilaa hadda ma jirto war kasoo baxay Laamaha Amniga Puntland oo ay kaga hadlayaan Saraakiishaasi lasii daayey iyo waxa lagu fasaxay.

Dhankooda Labada Sargaal kama aysan hadlin sii deyntooda balse Ehelkooda waxay xaqiijiyeen in ay xor yihiin oo lasii daayey.

Taliye Bile iyo Taliye Buraale ayaa loo heystay Eed ah inay abaabuleen Ciidan Dhawaan Gadood ka sameeyey Garoowe,balse lagu waayey Eedaasi,sidaasna la amray in la fasaxo oo xabsiga laga soo daayo.


Source: warkii.com

Sports News
WARARKII