XOG: Sheikh Shariif oo aqbalay Amar culus oo la dul dhigay & Villa Somalia oo ku faraxday

Imaamka Beesha Abgaal ayaa faray madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheikh Shariif Sheikh Axmed inuusan mar dambe hadal kicinaya Shacabka uusan ka jeedin warbaahinta,islamarkaana uu ka aamusay siyaasadda dalka.

Kulan gaar ah oo Imaamka gurigiisa ugu yeeray Hoggaamiyaha Madasha Xisbiyada Qaran Sheikh Shariif ayaa lagu canaantay inuusan wax wanaagsan sameyn markii ku dhaartay “Thuma Wallaahi”,islamarkaana uu qatar amni dalka geliyay loogana baahan yahay inuusan mar dambe hadalkan oo kale uusan jeedin.

Sheikh Shariif oo ah wadaad Diimeed Qunyar socod ah ayaa si aada ah kaga carooday tallaabadii isdaba jooga ahayd ee Dowladda ay kaga celisay safaradii uu ugu kala wajahnaa magaalooyinka Kismaayo iyo Baladweyne,taas oo dhalisay iney Madaxda madasha Xisbiyada Qaran ka caroodaan.

Shalay waxaa magaalada Muqdisho lagu soo gabagabeeyay shir u dhaxeeyay madaxweyne Farmaajo iyo madaxweynayaashii hore ee dalka Xasan Sheikh Maxamuud iyo Sheikh,waxaana kulankaas diirada lagu saaray sidii xal looga gaari xasilooni darada siyaasadeed ee dalka iyo in la isku fahmo doorashada 2021 lagu wado iney ka dhacdo dalka.

Xasan Sheikh Maxamuud oo shirka ka dib la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in kulanka la isku fahmay,islamarkaana la isla gartay qodobo dhowr ah oo caqabad ka taagnaa,islamarkaana madaxweyne Farmaajo si wanaagsan uu u soo dhoweeyay.

Untitled Document

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

UK TEL 03306060934

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here