XOG: Sheekh Shaakir oo si qarsoodi ah loo keenay Muqdisho lana dajiyay Villa Soomaaliya

Madaxa xukuumadda Galmudug, Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan, ayaa socdaal qarsoodi ah ku yimid Muqdisho.

Warar lagu kalsoonaan karo ayaa xaqiijinaya in mid kamid ah hogaamiyeyaasha ururka Ahlu Sunna la dejiyey Villa Soomaaliya.

Macluumaadka ayaa muujinaya in uu wada hadalo la yeelan doono madaxda ugu sareysa ee dowlada federaalka ah.

Socdaalkan ayaa kusoo aadaya xili la sheegayo in uu khilaaf xoogan u dhaxeeyo Nabad iyo Nolol si lamid ah Ahlu Sunna.

Ismaandhaafkaas ayaa ku saabsan doorashadda Galmudug oo la qorsheynayo in maalmaha soo aadan si rasmi ah u bilaabato.

Villa Soomaaliya ayaa damacsan in ay doorashadda Galmudug ka hesho madaxweyne daacad u ah, kaasoo fuliya danaheeda coddeynta 2020-ka.

Untitled Document

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

UK TEL 03306060934

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here