XOG: Seefta Cumar Filish oo dul saaran guddoomiyeyaal degmo & qorshe xil ka qaadis oo socda

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed Filish ayaa qorsheynaya inuu xilka ka qaado qaar ka mid ah guddoomiyeyaasha degmooyinka Gobolka Banaadir.

Wararka qaar oo na soo gaaraya ayaa sheegaya in arrintaan uu muran ka taagan yahay hadana uu Guddoomiye Cumar uu ku adkeysanayo iney tahay isdebedel qeyb ka ah qorsihihiisa hoggaamineed ee Gobolka Banaadir.

Illo ku dhow Xafiiska Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa inoo sheegay in Duqa Muqdisho uu doonayo in si tartiib tartiib ah uu guddoomiyeyaasha degmooyinka Gobolka xilka kaga qaado si howsha Bulshada loo haayo meesha uga sii soco.

Waxaana wararka intaasi ku daraan in guddoomiyaha uu wato dhalinyaro isaga jeebkiisa ah ay isla fahmi karaan u adeegida Shacabka Gobolka Banaadir.

Qaar ka mid ah guddoomiyeyaasha degmooyinka Gobolka Banaadir sida guddoomiyaha degmada Heliwaa,Wadajir & Deyniile ayaa la sheegayaa ineysan saameyn doonin xilka ka qaadista la sameyn rabo.

Ugu dambeyntii, guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa magacaabaya guddoomiyeyaasha degmooyinka C/casiis,Shangaani, Waabari iyo qaar ka mid agaasimiyaal guud oo qaarkood ku nafwaayay Qaraxii ka dhacay Gobolka Banaadir ee dhismaha guddoomiyihii gobolka Banaadir sababay.

Untitled Document

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

UK TEL 03306060934

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here