XOG: Rag Bistoolado Wata Oo Lagu Daadiyey Kismaayo,Dilal Soo Kordhay & Qorshaha Socda

0

Wararka Ka imaanaya Magaalada Kismaayo Ee Caasimada Kumeel Gaarka Jubbaland ayaa waxay sheegayaan in Amniga magaalada uu sii xumaanayo.

Dawlad Gobolleedka Jubbaland waxay hadda isku dayeysaa inay wax ka qabato falalka Amni daroada soo korortay.

Wasaarada Amniga Jubbaland ayaa la sheegay in ciidamo dhar cad ah ay ku daadisey Magaalada Xaafadaheeda kala duwan islamarkaana laga taxadarayo dilal kale oo dhaca.

Dawlad Gobolleedka Jubbaland ayaa waxa uu walaac ka muujinayaa Dilal ka dhacay 48 Saac gudaheed Kismaayo.

Habeen Hore waxaa la dilay Nabadoon ka mid ahaa waxgaradka soo xuli lahaa Xildhibaanada Cusub Jubbaland Xalayna isla Kismaayo waxa lagu toogtay Sargaal katirsan Ciidamada Amniga.

Dableey Hubeysan ayaa dilalkaasi geystay kuwaasi oo lagu Eedeyey inay Al Shabaab ka dambeeyeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here