XOG: Qorshe lagu dhabar jabinayo damaca Villa Somalia ee Galmudug oo ka socda Cadaado

0

Xildhibaano ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya oo isugu jira labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa qorshe ka dhan ah damaca Madaxtooyada Soomaali ee Galmudug ka wada magaalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud.

Sida wararka aan ku heleyno,Xildhibaanada oo deegaan doorashadooda ay tahay magaalada Cadaado ayaa aad u dhaliilsan hanaanka dhaqan ee R/wasaare Kheyre iyo madaxweyne Farmaajo ula macaamilayaan shacabka Galmudug.

Sidoo kale,Qorshaha ka socda magaalada cadaado ayaa looga horjeeda doorasho waqtigeeda ku dhacda oo ka hirgasha magaalada Dhuusa-mareeb,waxayna wadaan dadaalo ay ku doonayaan in magaalada Cadaado ay noqoto xarunta martigelineysa haddii ay jirto doorasho Galmudug ka dhaceyso.

Qorshahan ayaa sidoo kale,waxaa ku biiray madaxweyne Xaaf oo xalay saqdii dhexe gaaray magaalada Cadaado halkaasi oo si weyn loogu soo dhoweeyay.

Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaray Galmudug ayaa waxay sheegayaan in Xaaf,Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka ee shalay gaaray Cadaado iyo Waxgarad shir Albaabada u xiran yahay ay ku leeyihiin magaalada Cadaado,kaasi oo looga hadlay Xaaladda Galmudug iyo sida uga haboon ee looga falcelin karo gaashaanbuurta magaalada Dhuusa-mareeb isku baheysaneysa.

Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa ku sugan magaalada Dhuusa-mareeb oo uu kulamo kula leeyahay Madaxa Xukuumadda Galmuudg iyo Waxgaradka magaaladaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here