XOG Murashax Qoor qoor Saaxiibkiis Oo Lacag Ku helay Inuu La Tartamo

Sida shalay mar keliya Dhuuso mareeb indhaha looga qaaday Boor uu ku sawiran yahay Axmed Shire Falagle ayaa dad badan ay rumeysan yihiin in Qoor qoor uu u yahay mid Booska ubuuxinaya.

Murashaxnimada Falagle waxaa ka dambeysa Dawlada Federaalka oo lacag kusiineysa inuu tartanka galo si Qoor qoor tartanka ugu soo baxo.

Axmed Shire Falagle iyo Axmed Kaariye Qoor qoor ayaa ahaa Saaxiibo,weliba Muashaxaan maanta qaatay Shahaadada Cadeeneysa inuu murashax yahay waxay ka dhigneyd inuu maqaar saar noqonayo.

Ololaha Doorashada Qoor qoor ayuu si fiican uga dhex muuqday falagle balse si kedis ah ayaa loo arkay kadib markii uu aqbalay Codsi Dawlada Dhexe usoo jeedisey.

Hore waxaa udiiday Murashaxiin dhowr ah inay Qoor qoor la tartamaan si hadhoow aan loo dhihin waxaa si afduub ah doorashada ku helay Axmed Cabdi Qoor qoor.

Untitled Document

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

UK TEL 03306060934

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here