Xog muhim ah:-Dowladda Qatar & Fahad Yasin oo markale lagu eedeeyay

Dowladda Qatar iyo Fahad Yasin aya si adag loogu eedeeyay taageerada ay dowladda Qatar siiso kooxda xarakada Shabab. Waxaa la sheegay in kooxda Shabab ay dhaqaale, tababar, iyo hub ay ka hesho dowladda Qatar iyadoo loo soo marsiiyo Fahad Yasin oo ah T/X NISA sida ay sheegeen diblomaasiyiin carbeed.

Waxay tusaale u soo qaateen in Fahad Yasin loogu tababarayo hadda koox dhalinyaro ah oo hore uga tirsaneyd kooxda Shabab magaalada Dooxa ee dalka Qatar iyagoo ku yimid magaca in ay yihiin saraakiil ka tirsan NISA balse warbixinta aya intaa ku dartay in dhalinyaradan ay yihiin kuwo uu soo xushay Fahad Yasin oo dib ugu laaban doona kooxda Shabab marka ay soo dhameystaan tababarka uga socda magaalada Dooxa.

Sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan sirdoonka dalalka Carabta, kooxdan dhalinyarada ah aya marka ay ka soo degeen magaalada Dooxa laga qaatay baasabooradii waxaana lagu xareeyay xero ay ku qaadan doonan sida loo uruuriyo xogaha shacabka kaddibna waxaa la barayaa sida loo sameeyo qaraxyada.

Untitled Document

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

UK TEL 03306060934

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here