XOG: Midowga Thabit Cabdi & R/W Xasan Kheyre Oo qal qal siyaasadeed Abuuray

Sida ay sheegeen warar lagu kalsoon yahay isku soo dhawaanshiyaha cusub Ee Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre iyo Thabit Cabdi Maxamed Gudoomiyihii hore Ee Gobolka Banaadir ayaa abuuray qal qal siyaasadeed oo cusub.

Madaxtooyada gaar ahaan Xafiiska Madaxweyne Farmaajo ayaa la sheegay in arintaan uu ka xumaaday marka la eego isbaheysiga Hogaamiyaha xisbiga Awooda Shacabka ee Thabit iyo kheyre oo ay ku heshiiyeen siyaasad is xulufeysi ah.

Xogta la ogaaday ayaa sheegeysa in Thabit iyo Kheyre ay kawada hadleen maalmo ka hor sidii ay suurta gal ku noqon laheyd dhabar iska dharbaax lagu sameeyo hadba kii taageero badan ku hela Doorashada soo socota.

Isbuucii lasoo dhaafay Madaxweyne Farmaajo ayaa kulan uu Kheyre la yeeshay waxa uu kusoo dhamaaday is fahmi waa markii la sheegay in Ra’iisal wasaaraha uu ka biyo diiday ku biirida Xisbiga dawlada soo wadato oo Madaxweyne Farmaajo hogaan looga dhigayo.

Tani waxay sii banaan bixineysaa guux iyo hadal heyn hoose oo jirtay in Xasan Kheyre uu yahay murashax Madaxweynaha soo socda uuna ku dhabar jebinayo Farmaajo.

Xildhibaano ubadan beesha RW Kheyre oo Aqalka Sare iyo Golaha Shacabka kujira,siyaasiyiin,waxgarad iyo Aqoonyahano ayaana gabar u ah Ra’iisal wasaaraha sidii doorashada soo socota u guuleysan lahaa.

Seynab Cabdi Macalin oo ah Afada udhaxda Madaxweynaha Qaranka ayaa qeyb ka ah ololaha Doorashada Kheyre Ee Madaxtinimada,sidoo kale Ex Wasiirkii hore Ee Warfaafinta Soomaaliya C/qaadir Jaah weyn oo ah Malkiilaha Raadiye iyo Telefishin Madax banaan oo ku yaalla Muqdisho ayaa qeybta Ololaha uqaabilsan sida aan ogaanay.

Ma cada sida ay noqon doonto sii socoshada Wada shaqeeneyd Ee RW kheyre iyo Madaxweyne Farmaajo oo hanka Doorashada dambe baratankeeda hadda lasii bilaabay.

habit Cabdi Kheyre

Untitled Document

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

UK TEL 03306060934

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here