XOG: Maxaa Ka Jiray Khilaafka Kheyre & Farmaajo Ee La Hadal Hayey?

LIVE U DHAGEYSO WARKII MAANTA :-0017124329950 USA 7124329950

Waayihii dambe waxaa jirtay warar la isla dhexmarayey in Xiisad siyaasadeed ka dhex jirtay Ra’iisal Wasaaraha Dalka iyo Madaxweyne Farmaajo.

Kadib Go’aankii Golaha Wasiirada Khamiistii isbuucaan gaareen oo ahaa in aan la aqbali Karin Muddo kororsi,Doorashadana ku dhacdo Xilligeeda ayey Calaamad su’aal dad badan saareen xiriirka labada Mas’uul.

Hayeeshee Madaxweyne Farmaajo ayaa qoraal soo saaray isla Habeenkii Jimcaha soo galeysay iyadoo uu soo dhaweeyey Khabarkii kasoo yeeray Golaha Xukuumada.

Hadaba Kulankaan Maanta ka dhacay Muqdisho ayaa ahaa mid Warbaahinta laga qariyey oo xitaa Tan Dawlada Codkeeda ku hadasha aysan soo qaadan,balse wax badan ayuu iftiimiyey.

Sawirkan iyo qoraalkan, waxaa bartiisa -ka soo dhigay Xoghayaha joogtada ah ee Xaafiiska Ra’iisulwasaaraha Soomaaliya Axmed Nuur, wuxuuna ku soo qoray “U mataanoobay dib u dhiska iyo dib u habaynta dawladnimada Soomaaliyeed. Midnimaa miro lagu abuuraa, Saaka mar aan Aniga iyo walaalkay Engineer Nuur aan soo booqannay RW xigeenka XFS. Horaa loo soconayaa” xili maalmihii u dambeeyey dadka qaarkood sheegayaan in uu jiro khilaaf siyaasadeed u dhaxeeya Madaxweynaha & Ra’iisulwasaaraha.

Sawirkan, waxaa ku wada jira Agaasimaha guud ee Madaxtooyada Soomaaliya, Xoghayaha Xaafiiska RW & Raysalwasaare kuxigeenka dalka.


Source: warkii.com

Sports News
WARARKII