XOG: Mas’uul Uu Ku faanayey Axmed Madoobe Oo MD Farmaajo La Saftay

Kadib Eedeyn kasoo baxday Madaxweyne Kuxigeenka 1aad Ee Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan oo ku socotay Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa shaki durba ay abuurtay.

Wararka Kismaayo laga helayo ayaa sheegaya in Xurguf ay ka dhex qaraxday Labada Mas’uul iyadoo Arinta Ciidanka Daraawiishta Jubbaland Ee ku biiray Dawlada Qeybta Gedo joogtay la isku qabtay.

Maxamuud Sayid Aadan ayaa Saacado ka hor ka sheegay Kismaayo in Falsafad lagu fududaaday waxna laga qaban kari waayey ay ku timid in ciidanka Is dhiibaan oo Dawlada ku biiraan.

Qaar ka mid ah Dadka Siyaasada Jubbaland Falan qeeya waxay sheegeen inay Arintani saameyn ku yeelaneyso Xaalka Jubbaland oo markii horeba kacsanaa.

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa lasoo sheegayaa in uu shaki ka qaaday inay xiriir hoose dhexmareen Madaxweyne Farmaajo iyo Maxamuud Sayid Aadan oo isku beel kasoo jeeda.

Dhawaan ayuu Axmed Madoobe ka dhigay Maxamuud Sayid Aadan markii labaad in Kuxigeenkiisa 1aad Unoqdo balse hadda waxa la sheegay Arinta Gedo ciidanka daraawiishta ee ku biiray Dawlada ay buuq kale abuurtay.

Ciidamada daraawiishta Jubbaland ayaa Arbacadii iyo Khamiistii siyaabo kala duwan ugu biiray Dawlada iyadoo Kacdoon lagu awood siibayo Axmed Madoobe Hogaankiisa uu bilowday.

Untitled Document

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

UK TEL 03306060934

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here