XOG: Man United Oo Sidii Ugu Xumayd Ku Bilaabatay Horyaalka Premier League 27 Sano Kadib.

Kooxda Man United ayaa mar kale ku fashilantay in ay guul gaadho horyaalka premier League kadib markii ay bar-baro niyad jab leh la gashay kooxda Southampton kulan ka tirsanaa horyaalka premier League.

Kadib Kulankaas Kooxda Man United ayaa samaysay bilowgeedii ugu xumaa ee horyaalka premier League tan ilaa 1992/1993.

Daniel James ayaa hogaanka u dhiibay kooxda Man United isaga oo dhaliyay in hal gool ka badan intii uu u dhaliyay 33 kulan oo uu u ciyaaray kooxda Swansea City.

Inkasta oo uu 21 jirku gool qurux badan u dhaliyay hadana Man United ayaa ku fashilantay in ay guul ka gaadho kulanka iyaga oo ciyaarta ku dhamaystay bar-baro 1/1 ah.

Kooxda Man United iyo tababare Solskjaer ayaa kaliya heshay 5 dhibcood iyada oo laga doonayay 12 dhibcood taar oo ah rikoodhkii ugu xumaa ee kooxda Man United tan ilaa xilli ciyaareedkii 1992/1993.

Xilli ciyaareedkii 1992/1993 oo uu kooxda hogaaminayay tababare Sir Alex Ferguson ayaa heshay 4 dhibcood xilli ciyaareedkaas taas oo ahayd rikoodhkii ugu xumaa ee bilowga Man United.

Xilli Ciyaareedkaas Man United ayaa laga badiyay 2-dii kulan ee ugu horeeyay iyaga oo guuldaro kala kulmay kooxaha Sheffield United & Everton ka hor inta ayna 4 dhibcood ka helin kulamdii xigay.

Untitled Document

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

UK TEL 03306060934

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here