XOG: Konteenar ay ku jiraan waxyaabo qarxa oo lagu qabtay dekadda Muqdisho

Ciidamadda ammaanka Soomaaliya ayaa marsadda magaaladda caasimadda ah ee Muqdisho waxay ku qabteen konteenar ay ku jiraan waxyaabo qarxa, sidda ay ogaatey Shabakada wararka ee Warkii Online.

Saraakiil codsadey in aan qalabka warbaahinta magacyadooda aanan loo adeegsan ayaa daboolka ka qaadey in konteenarka loo wareejiyay goob gaar ah, isla markaana qorsuhu yahay in baaritaan lagu sameeyo.

Ma cadda goobta uu kusii jeedey Konteenarka, waxaase lala xiriirinayaa ganacsade, kaasi oo ay u yeereen hay’addaha nabad-gelyadda kuwaasi oo su’aallo waydiin doono halka ay kusii jeedeen.

Ammaanka dekadda Muqdisho ayaa aad loo adkeeyay, waxaana aad loo hubiyaa dhamaan waxyaabaha kasoo degaya, iyadda oo loo daabulay ciidamo dheeraad ah oo ka shaqeynaya bad-qabka dekadda.

Dhacdadan ayaa kusoo aadeysa iyadda oo warbixino laga helay dhanka ammaanka ay sheegayaan in ay suurtogal tahay weeraro ay AlShabaab ka fuliso magaaladda caasimadda ah ee Muqdisho.

Untitled Document

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

UK TEL 03306060934

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here