XOG: Kismaayo Jago Wasiir Oo La Isku Heysto & Buuq Taagan

LIVE U DHAGEYSO WARKII MAANTA :-0017124329950 USA 7124329950

Wararka inaga soo gaaraya magaalada Kismaayo ayaa waxay sheegayaan in buuq uu ka taagan yahay Jagada Wasiir la isku heysto beeshii heli laheyd.

Kulan dhawaan ay iskugu yimaadeen Beesha Kuumade ayey Qoyska Marxuum Macalin Maxamed Ibraahim ay sheegeen in Jagadii ay lahaayeen Qolo kale la siiyey.

Warar ayaa sheegaya in C/naasir Seeraar Maax uu ku dhaw Yahay Helista Beesha Cowl Yahan oo ay Isku Beel ahaayeen Marxuumka.

Axmed Macalin Maxamed oo booskaas loo waday waxa Ehelkiisa ay sheegeen in uu hadda ka careysan yahay Hanaanka Beesha Kuumade kula dhaqantay Qoyskiisa.

Dhawaan waxaa la filayaa in Madaxweynaha Jubbaland Axmed Islam Madoobe inuu soo magacaabo Golihiisa Wasiirada Cusub oo kudhawaad Sanad la sugayey tan iyo Doorashadiisii.

Hadal heyn ayaa hadda ka taagan Beesha Cowlyahan Wasiirka uga soo aadayo Golahaasi iyo Shakhsiga lasiin lahaa xilli tartan adag loogu jiray.


Source: warkii.com

Sports News
WARARKII