XOG: Khilaafka Farmaajo & Axmed Madoobe oo sii adkeyn kara xaalka shirka Dh/mareeb

LIVE U DHAGEYSO WARKII MAANTA :-0017124329950 USA 7124329950

Sida ay ilo lagu kalsoon yahay inoo sheegeen, waxaa jira Khilaaf gaamuray oo u dhaxeeya madaxweyne Farmaajo iyo madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ( Axmed Madoobe),kaas oo ku saabsan sharci ahaanshaha madaxweynenimada Axmed Madoobe, inkastoo uu Farmaajo oggolaaday in Axmed sii ahaado madaxweyne kumeel gaar ah muddo laba sano ah.

Arrintaas ayaa u cuntami weysay Axmed Madoobe,waxayna u baahan tahay in xal laga gaaro ka hor inta uusan shirka Dhuusamareeb furmin,taas oo noqon karta cabaqabad ka hor imaan karta.

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe, ayaa laga yaabaa inuu miiska la yimaado arrimaha ciidamada Gedo Dowladda Federaalka ay geysay iyo dagaaladii ka dhacay,taas oo xalka shirka sii adkeyn karta.

Sidoo kale waxaa jiro khilaaf midkaa la mid ah oo Madaxweyne Farmaajo kala dhaxeeya Madaxweynaha Punland oo isna ku qotomo isku day in Deni xilka laga tuuro oo lagu eedeeyay inuu Madaxweynuhu ku lug lahaa, arrimaha shahaaddada dugsiga sare, arrimahan ayey falanqeeyayaashu aaminsan yihiin inay adag tahay in xal laga gaaro muddo kooban gudaheed.

Shirka Dhuusamareeb oo ah mid Xasaasi ah ishana lagu wado hayo ayaa laga dhowrayaa natiijada ka soo baxda oo horseedi karta in dalka uu doorasho loo dhan yahay galo ama dib u dhacdo doorashada.

Mucaaradka oo qeyb ka ahayn shirka ayaa dalbaday in kaalin laga siiyo shirka si ay qeyb uga noqdaan gaarista go’aanada masiiriga ah ee dalka.


Source: warkii.com

Sports News
WARARKII