Xog ka cusub diyaaradii maanta ku bur-burtay garoonka Beledweyne

LIVE U DHAGEYSO WARKII MAANTA :-0017124329950 USA 7124329950

Muqdisho (warkii.com) – Garoonka diyaaradaha ee Beledweyne ayaa maanta waxa ku bur-burtay diyaarad nooca xamuulka ah oo rabtay inay cago dhigato garoonkaasi.

Diyaarada ayaa xiligii ay cago-dhigan rabtay garoonka bur-burtay, midaasi oo ilaa hadda si dhab ah loo ogeyn sababta ka dambeysa inay diyaaradaasi dhacdo.

Sida ay ogaatay warkii.com, diyaaradaasi ayaa si gaar ah ugu kireysneyd Qaramada Midoobay, iyada oo kasoo duushay dalka Jabuuti.

Kadib markii ay dhacday diyaaradu waxa ka kacay dab xoogan oo gebi ahaanba qabsaday diyaarada, iyada oo lagu guuleystay samato bixinta duuliyihii waday diyaarada iyo labo kale oo caawiye u ahaa.

Diyaaradaasi bur-burtay ayaa siday gargaar loogu tala-galay dadkii ay saameeyen fatahaadihii gobolka Hiiraan, kaasi oo ay kasoo qaaday dalka Jabuuti.

Dad ka ag-dhawaa garoonkaasi ayaa sheegay inay arkeen diyaarada oo isku dayeysa inay fariisato garoonka, balse si lama filaan ah hal mar u arkeen iyada oo holcaysa, ilaa haddana si rasmi ah looma oga sababta.

Taliyaha ciidamada Jabuuti ee gobolka Hiiraan, Korneyl Cabdullahi Muuse oo isaguna warbaahinta la hadlay ayaa xaqiijiyey in la bad-baadiyey saddex shaqaale oo saarna diyaaradaasi.

Diyaaradaasi oo siday gar-gaar u badnaa raashin, ayaa waxa sawirro laga soo qaaday muujinayeen dab xoogan oo kusii fidayay qaybo kamid ah garoonkaasi.

Maamulka garoonka iyo kan dowlad goboleedka oo aan la xiriirnay ayaa gebi ahaanba ka gaabsaday faah-faahinta dhacdadan, iyaga oo ku gaabsaday inay dib uga warbixin doonaan warbaahinta.


Source: warkii.com

Sports News
WARARKII