XOG HOOSE :-Furitaanka shirkii Dib-u-heshiisiinta Dh/Mareeb oo markale baaqday, burburna ku socdo

Shirkii uu ku baaqay Xasan Kheyre ee uu ugu magaca daray shirka dib u heshiisiinta Galmudug ee loo balansanaa in uu berito  oo bisha Agoosto tahay 17ka uu ka furmo magalaada Dhuusamareeb ayaa marka kale fashil ku yimid.

Beelaha Soomaaliyeed ee ku dhaqan Galmudug ayaan wali soo xaadirin iyaga oo ka biyo diidaya in ay marqaati ka noqdaan shirka lagu been abuuranayo shacabka reer Galmudug.

Baaqashada shirka ayaa imaaneysa, iyadoo inta badan Ergooyinkii ka qeyb gali lahaa shirka ay aanay tegin magaalada Dhuusamareeb, halka qaar kale oo ka mid ah Ergada la filaayay in ay shirka yimaadaan ay weli ku sugan yihiin magaalo xeebeedka Hobyo halkaaso uu shir xasaasi ah uga socda beelaha Habargidir.

Xog ay heshay Warkii.com ayaa sheegeysa in guddoomiyaha guddiga qaban-qaabada shirka dib u heshiisiinta Galmudug, Dr. Cabdiraxmaan Cabdullahi Baadiyow uu u yeeray Madaxweynaha JFS Maxamed Cabdullaahi Farmaajo kaddib markii maanta la helay jadwal uu Dr. Baadiyow u diray beesha caalamka si lacag loogu siiyo. Shirka aya loo abaabulay qaab siminaar oo kale ah waana midda keentay in lagu amro in uu degdeg Muqdisho ku yimaado kaddib amar ka soo baxay Madaxweyne Farmaajo, sidaasna uu galinkii dambe ee maanta Muqdisho kusoo gaaray.

warkii.com waxa loo xaqiijiyay in uusan  jirin wax shir la yiraahdo oo berito ka  furmi doona magalaada Dhuusamareeb macquulna ay tahay in  uu dib u dhac dheer ku yimaado. Shirka ayaa waxa shalay loo badalay Seminar shan cesho socon doono kaas oo odoyaasha dhaqanka lagu bari doono qaabka loo xaliyo khilaafaadka. Jadwalka maanta la helay aya waxaa uu ku koobnaa oo kaliya RW Kheyre iyo Baadiyow sida ay ilo wareedyo ka tirsan Villa Somalia u xaqiijiyeen Dalkaan.com.

Xubnaha guddiga qaban-qaabada shirka wali ma shaacin sababta ka dambeysa baaqashada shirka, balse warkii.com ayaa ogaatay in qaar kamid ah beelaha Galmudug ay kasoo hor jeesteen ka qeyb galka shirka Dhuusamareeb.

Sida aan ku helnay Xogta, waxaa gabi ahaanba iska diiday inay tagaan shirka Dhuusamareeb Ergadii ku matali lahayd beelaha dega magaalooyin ay ka mid yihiin Cadaado, Xeraale, Ceeldheer iyo Gaalkacyo.

Untitled Document

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

UK TEL 03306060934

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here