XOG HOOSE: Farmaajo iyo Khayre oo kulan xasaasi ah ka yeeshay xariga wasiir Janan

Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, oo shalay dalka dib ugu soo laabtay, ayaa xalay xili dambe ah waxa uu kulan degdeg ah ugu yeeray ra’iisul wasaarihiisa, Xasan Cali Khayre.

Kulanka labada mas’uul oo lagu gorfeeyay xaaladihii ugu dambeeyay ee waddanka ayaa waxaa lagu soo qaadey xariga wasiirka amniga Jubbaland, Cabdirashiid Xasan Cabdinuur Janan, kaasi ku xiran Muqdisho.

Inkasta oo aysan gaarin wax go’aan oo ah ku wajahan arrintan, Khayre ayaa isku dayey in uu ka dhaadhiciyo madaxweynaha in qabashadiisu fure u noqon doonto in ay helana xog dheeri oo ku aadan Axmed Madoobe.

Dhinaca kale, madaxda ayaa waxay kawada xaajoodeen xaaladaha Galmudug oo kamid ah qorsheyaasha ay madaxda haatan jirta doonayaa in ay dib ugu soo laabtan kuraatooda doorashada 2020-ka.

Kulanka ayaa waxaa goobjoog ka ahaa taliyaha ciidamada sirdoonka, Fahad Yaasiin Daahir, kaasi oo la rumeysan yahay in uu yahay ninka ugu awooda badan xukuumadda haatan haysa taladda ugu sareysa dalka.

Untitled Document

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

UK TEL 03306060934

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here