XOG: Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad ee golaha Shacabka oo go’doon la geliyay & ilaalada oo laga qaaday

LIVE U DHAGEYSO WARKII MAANTA :-0017124329950 USA 7124329950

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka Mahad Cabdalla Cawad lagu go’doomiyay guriga uu ku degan yahay madaxtooyada Soomaaliya.

Taliska ciidanka ilaalada Madaxtooyada ayaa amray in ciidanka laga wareejiyo Mahad Cabdalla Cawad,islamarkaana uusan ka bixi karin guriga,sida xogta aan ku helnay.

Sidoo kale, guddoomiye ku-xigeenka labaad ee golaha shacabka ayaa loo diiday inuu dhaq dhaqaaq sameeyo dibada u soo bixo, sidoo kalena la kulmo Xildhibaanada.

Lama oga sababta xayiraadda loogu soo rogay mas’uulkan,balse warar aan helnay ayaa sheegaya in madaxweyne Farmaajo uu amray tallaabadan maadaama uu Mahad Cabdalla Cawad uu aragti ahaan taageersanaa Ra’iisal wasaarihii xilka laga qaaday ee Xasan Cali Kheyre.

Sidoo kale, ilaalada Ra’iisal wasaarihii hore ee dalka Xasan Cali Kheyre ayaa dib loogu celiyay taliska,waxaana kaliya haatan Kheyre la jooga qaar ka mid ah ciidankiisii Security-ga iyo xogheyntiisa.

Tan iyo xalay Madaxtooyada Soomaaliya waxaa laga dareemayay mashquul iyo kulamo gaar gaar ah oo ay lahaayeen madaxda dalka iyo qaar ka mid ah xildhibaanada oo kala taageersan madaxtooyada iyo Ra’iisal wasaarihii xilka laga qaaday.


Source: warkii.com

Sports News
WARARKII