XOG: Gerard Pique Oo Ah Boqorka Finalada, Imisa Final Ayuu Ku Guulaystay?

0

Daafaca kooxda Barcelona ee Gerard Pique ayaa ah xiddig fure u ah kooxda Barcelona muhiimadiisa ayaana ka badan kaliya awoodiisa ciyaareed laakiin waxana lagu tilmaamaa qofka ugu adag ee dhanka rabitaanka ku guulaysiga gobolka Catalonia.

Daafaca dhexe ayaa laf dhabar u ah ka ciyaarista Finalka ee kooxdiisa isaga oo ka qayb galay 18 finalka intii uu jooga Barcelona isaga oo kaliya hal final ku fashilmay in ku guulaysto kaas oo ah kulankii Finalkii ay Real Madrid Copa Del Rey-ga ka qaaday Barcelona sanadkii 2011.

Guul ay Barcelona ka gaadho kooxda Valencia caawa ayaa la macno ah in uu gaadhi doono guushiisii 12-aad ee  finalada kaal duwan.

Gerard Pique ayaa finalkiisii ugu horeeyay ciyaaray sanadkii 2011 markaas oo ay kooxda Barcelona si cajiib ah Man United uga qaaday koobka champions League xilli Barcelona ay ku guulaystay koobkii 4-aad ee champions League ka hor inta ayna 7 maalmood kadib ku guulaysan Club World Cup-ka oo ay ka qaadeen kooxda Santos halka ay mar kale Club World cup-ka ku guulaysteen 2015 iyaga oo ka qaaday River Plate.

Daafaa ayaa sidoo kale sanadkii 2015 kooxda Barcelona kula guulaystay champions League markii ay Barcelona garaacday kooxda Juventus halka uu sidoo kale kooxda kula guulaystay koobabka Supercopa de Espana & European Super Cup.

Dhanka Copa Del Rey-ga Pique ayaa tan ilaa 2011 ku guulaystay 5 koob kuwaas oo uu ka kala qaaday Sevilla iyo Atletico Club min laba jeer iyo kooxda Alaves.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here