XOG: Ganacsatada Muqdisho Oo Go’aan Halis Ah Ka Qaadaya Xirnaashaha Jidadka Muqdisho

Ganacsatada canshuurta bixisa ee ku dhaqan magaalada Muqdisho ayaa ku dhow iney shaqo joojin ku dhawaaqaan ka dib markii ay cadaadis xooggan oo xagga marista wadooyinka ay kala kulmeen Dowladda uu hoggaamiyo madaxweyne Farmaajo.

Qaar ka mid ah Ganacsatada Gaadiidka oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay iney ka cabanayaan Dowladda Federaalka,islamarkaana ay la’yihiin cid wax ka gadata,iyagoo arrintaas u sababeeyay xirnaashaha jidadka Muqdisho.

Waxay sheegeen iney yihiin muwaadiniinta ugu badan ee canshuurta dalka bixiya,waxayna ka dalbadeen iney fududeeyaan wadooyinka xiran ee magaalada.

“3-dii sano ee ay jirtay dowladda MD-Farmaajo 40-kun oo gaari ayaa ku jirta Geerish-yada oo loo gadan waayey oo qof walba wuxuu leeyahay xaggee ku wadayaa waddooyinkaa xirane,Ganacsatadiina way cabanayaan iyagoo lacagta ugu badan ee canshuurta ah dhiiba” sidaas waxaa yiri Mid ka mid ah ganacsatada gobolka Banaadir.

Dowladda Farmaajo ayaa saddexdii sano ee la soo dhaafay waxay ganacsatada Gobolka Banaadir ay ka qaatay lacag ka badan afar boqol oo Miyan oo canshuur ahaan looga qaaday mana helin adeegyadii asaasiga ah ay xaqa u lahaayeen.

Caqabada ugu weyn ee hadda magaalada Muqdisho ka jirto ayaa ah xirnaashaha wadooyinka oo sabab ka dhigay in la isaga kala gooshi waayo degmooyinka gobolka Banaadir,waxayna tani ay qasab ka dhigtay in dad badan ay geerishka isaga xareeyaan gaadiidkii ku dhex mari jireen magaalada maadama jidadkii laga xirtay.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa balan ku qaaday markii uu xilka la wareegayay inuu furayo wadooyinka magaalada,balse arrintaasi kama dhabeyn.

Untitled Document

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

UK TEL 03306060934

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here