XOG: FARMAAJO oo olole nooc cusub ah ka bilaabay Dh/mareeb & madax isbedel ku yimid

LIVE U DHAGEYSO WARKII MAANTA :-0017124329950 USA 7124329950

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa magaalada Dhuusamareeb olole uu ku doonayo inuu taageero ugu helo qorshihiisa doorasho ee qof iyo cod dalka kaga dhacdo 2020/21.

Madaxweyne Farmaajo oo jimcihii tagay magaalada Dhuusamareeb ayaa kulamo gooni gooni ah la yeeshay madaxweynayaasha maamul goboleedyada, wuxuuna sidoo kale shirar guud la yeeshay Ra’iisal wasaare Xasan Cali kheyre iyo madaxweynayaasha maamul goboleedyada Galmudug, Hirshabeelle iyo K/galbeed.

Madaxweynaha ayaa xalay magaalada kulamo kula yeeshay madaxweynayaasha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam iyo Puntland Siciid C/llaahi Deni,waxaana wararka kulamadaas laga helayo ay sheegayaan in maamul goboleedyada ay ku kala qeybsameen.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ayaa si cad u taageeray qorshaha doorasho ee Farmaajo, halka Lafta-gareen iyo Waare ay ka gaabsadeen arrintaas.

Axmed Madoobe iyo DENI ayaa si cad uga horyimid nooca doorasho ee Farmaajo uu wato ee ah qof iyo cod ah halka ay doonayaan in dib loogu noqdo doorashadii 2016-kii ee ahayd mid dadban.

Shacabka Soomaaliyeed ayaa isha ku haya shirka Dhuusamareeb iyo waxa ka soo bixi doona,waxaana la filayaa in madaxda ay gaaraan go’aan mideysan oo doorasho lagu galo.


Source: warkii.com

Sports News
WARARKII