XOG: Farmaajo oo deg deg ugu yeeray Siyaasiyiin iyo Odayaasha Beesha Habargidir

0

Xog gaara oo ay heshay Shabakada Warkii.com ayaa sheegeysa in Madaxweynaha Soomaaliya uu Madaxtooyada Soomaaliya kulan kula yeelan doono Siyaasiyiin iyo Nabadoono saameyn ku leh Beesha Habargidir si looga hadlo Doorashada ka dhaceysa Galmudug iyo Shirweynaha wada tashiga.

Sarkaal ka tirsan Madaxtooyada Soomaaliya ayaa inoo sheegay in Madaxda Dalka ay ka feejigan yihiin Khalalaaso ka dhaca Deegaanada Galmudug maadaama Madaxweynaha xilkiisa sii dhamaanayo Xaaf uu abuuro xiisado dhibaato ka dhalan karto.

Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul wasaare Kheyre labadoodaba waxay kasoo jeedaan deegaanada Galmudug, waxay xooraansi hoose la yeelanayaan Odayaasha iyo Siyaasiyiinta.

Kulanka Madaxweynaha uu isugu yeeray Masuuliyiintan Madaxtooyada Soomaaliya ayaa la filayaa in go’aamo looga soo saaro habka loo qabanayo Shirka Dib u heshiisiinta deegaanada Galmudug iyo sidii Odayaasha iyo Siyaasiyiinta kaga shaqeyn lahaayeen in Khalalaaso la’aan doorasho ka dhacdo Dhuusamareeb.

Madaxda ugu sareysa ee Ahlu Sunna ayaa la sheegay in ay aqbaleen in Madaxweyne Xaaf meesha ka baxo laguna qabto magaalada Dhuuso Mareeb shirar dib u heshiineed iyo doorashada maamulkaasi, waxaana Ahlu Sunna loo sameeyay balan qaadyo badan.

Madaxweynaha Xaalku ku xunyahay ee Xaaf ayaa hada waxaa u furan labo wado oo kala ah in uu magaalada Dhuuso Mareeb kaga dhawaaqo in uu is casilay iyo in uu duulo magaalada Gaalkacyo halkaasna saldhig ka dhigto isaga oo ah Madaxweyne magac u yaal ah inta laga dooranayo Madaxweyne kale.

Xaaf ayaa magaalada Dhuuso Mareeb ku joogay raali ahaanshaha kooxda Ahlu Sunna, waxaana Xaaf ku qasbanaan doonaa in wado kale uu raadsado hadii kooxdaasi si dhab ah dhabarka u xejiso .

Dowlada federaalka Soomaaliya waxaa ka go’an in dhawaan la qabto doorashada Maamulka Galmudug meeshana ka baxaan Madaxda maamulka Galmudug ee waqtigoodu ku dhameestay khilaaf iyo waxqabad la’aan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here