XOG: Farmaajo & Kheyre oo xeelad kale ciyaaraya si ay u Afgambiyaan Axmed Madoobe

Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisal wasaare Kheyre ayaa ka fikiraya sida ay ka yeelayaan doorashada Jubbaland ama tallaabada ugu horeyso oo ay qaadayaan,maadama haatan sida ay wax ku socdaan u muuqata mid ka hor imaaneysa rabitaanka Villa Soomaaliya ee Jubbaland.

Illo xog ogaal ah oo ku sugan Madaxtooyada Soomaaliya ayaa inoo sheegay in Labadaasi mas’uul ay wadaan qorshe ay wax kaga bedeli karaan istiraatijiyadooda doorashada Jubbaland,islamarkaana la qaado tallaabo deg deg ah oo ku aadan doorashada.

Axmed Madoobe ayaa go’aan ku gaaray inta ay ka dhaceysa doorashada madaxweynaha in gabi ahaanba la xiro dhammaan xuduudaha laga soo geli karo Jubbaland,sida Badda Cirka iyo dhulka,sida lagu sheegay go’aano ka soo baxaya guddiga amniga Jubbaland.

Villa Soomaaliya ayaa si la mid ah maamulada Koonfur Galbeed iyo Galmudug dooneysay iney gacanta ku dhigto hab maamulka doorashada Jubbaland,balse Axmed Madoobe oo wax badan fahamsanaa oo saaxiibadii ku dhacay ayaa mar hore ka gaashaantay dhagarta Villa Soomaaliya.

Untitled Document

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

UK TEL 03306060934

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here