XOG: Farmaajo & Fahad Yaasiin oo Go’aan kale ka qaatay kulankii Madasha Xisbiyada Qaran

Illo wareedyo lagu kalsoonaan karo ayaa inoo sheegay in madaxweyne Farmaajo iyo Taliyaha Nabad sugida Soomaaliya ay xalay shir gaar ah ku yeesheen madaxtooyada Soomaaliya ee Villa Soomaaliya.

Sida aan xogta ku helnay kulanka ayaa intiisa badan waxaa diirada lagu saaray kulankii shalay Madaxtooyada ay ku yeesheen madaxweyne Farmaajo iyo Hoggaanka Madasha Xisbiyada Qaran,kaasi oo inta badan looga hadlay xaaladda dalka iyo doorashada lagu wado iney dhacdo 2021,taasi oo arrimo badan oo ku saabsan la isla meel dhigay.

Fahad Yaasiin ayaa madaxweyne Farmaajo kula taliyay in qodobada qaar si dhaqsi ah loo dhaqan geliyo si ay u qancaan Madasha Xisbiyada qaran iyo cid kasta oo wax ka tabaneysa Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Waxaana qodobada hor tebinta u leh Dowladda ka mid ah in la iska qaado dhigo doorashada soo socoto in waqtigeeda ku dhacdo lana jiheedo sida ay u dhaceyso iyo nuuca ay noqoneysa.

Warar kale oo aan heleyno ayaa sheegaya in madaxweynaha Soomaaliya uu qorsheynayo inuu kulan gaar ah la yeeshay dhammaan Xisbiyada ka jira dal iyagana dhankooda la weydiinyo aragtidooda doorashada iyo waxay ku dari karaan xog uruurinta Dowladda.

Kulankii shalay ayaa soo afmeeray mad madowgii ka dhex jiray madaxweynayaashii hore ee dalka iyo Dowladda Federaalka,taasi oo suurta gelineysa in si wanaagsan loo wada shaqeeyo.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud ayaa sheegay in laga heshiiyay is faham waagii u dhaxeeyay Dowladda Federaalka iyo Madasha Xisbiyada qaran,islamarkaana la gaaray mowqif ah in la adkeeyo Qaranimada Soomaaliya.

Untitled Document

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

UK TEL 03306060934

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here