XOG: Fahad Yaasiin Oo Xil Ka Raadinaya Dawlada Soo Socota & Damaciisa Siyaasadeed Ee Cusub

Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in Dawlada soo socota uu xil ka raadinayo Agaasimaha Nabad sugida Soomaaliya Fahad Yaasiin Xaaji Daahir.

Kulan Casho sharaf ah ayaa waxa Xalay uu dalabkaan kasoo gudbiyey Fahad kaas oo waxgaradka iyo Bulshada Beeshiisa kasoo jeeda kula shiray Magaalada London Ee Dalka Ingiriiska.

Socdaalka Fahad Yaasiin oo arimo gaar ah lagu sheegay ayaa maalmahaan dambe kusugnaa Dalkaasi Britain.

Waxa uu Beeshiisa ka codsaday in December 2020 marka la gaaro uu rabo Xilka Baarlamaanka Cusub si ay ugu doortaan isaga.

Kursiga Beesha waxaa hadda ku fadhiya Faarax Sheekh C/qaadir oo muddo Xildhibaan soo ahaa,wasiirna kasoo noqday dawladii Xasan Sheekh Maxamuud.

Waxaa Fahad Yaasiin loo arkaa,midka ugu saameynta badan Dawlada Madaxweyne Farmaajo,isagoo xiriir dhaw la leh Dawlada Qatar.

Beesha ayaana sheegtay inay taageero siin doonaan,balse wixii doorasho ah ay utaallo Ergada wax soo dooraneysa.

Untitled Document

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

UK TEL 03306060934

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here