XOG: Dowladda Qatar Oo Qorshe Halis Ah Ka Waddo Soomaaliya

Dowladda Qatar ayaa bilowday tababarka ciidanka nabad-sugidda Soomaaliyeed, sida ay inoo xaqiijiyeen ilo lagu kalsoon yahay.

Illaa iyo 14 Sarkaal oo ka kala socday 4 waaxood oo ka tirsan Nabad-sugidda Soomaaliya ayaa muddo Labo Todobaad ah waxa uu tababar uga socdaa magaalada Doxa ee dalka Qatar.

Saraakiishan la tababarayo waxaa si gaar ah usoo xulay, taliye ku xigeenka hay’adda NISA Fahad Yaasiin, waxaana ka mid ah Hal dumar ah.

Mid ka mid ah saraakiisha tababarkan ka qeybgaleysa ayaa shaki ka muujiyey tababarkan, isaga oo la hadlay Warkii Online ayaa yiri.

“Waxaa nala dejiyey Hotel Hyatt Regency, waxaa inoo imaanayey saraakiil Qatar ah, waxa ayna si gooni ah u baxsanayeen qaar naga mid ah, waxayna soo celinayeen habeenkii saq dhexe, inteena kale waxaa subixii inoo imaanayey tababarayaal reerGalbeed oo u muuqday kuwo in ay saraakiil howlgab ah yihiin, saacad ama Labo saac ayeey tababar guud na siinayeen, kadibna fasax ayaan nahay”

Dawlada Qatar ayaa sanadihii danbe si wayn faraha ugula jirtay hay’adaha amniga Soomaaliya, gaar ahaan Nabadsugida iyo Milateriga.

Wargaysa New York Times ayaa soo bandhigay in dawlada Qatar ay ku lug leedahay qaraxyada Soomaaliya ka dhaca.

Soomaali badan ayaa walaac ka muujinaya dhaq-dhaqaaqyada shakiga leh ee dawladda Qatar ka waddo Soomaaliya.

Untitled Document

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

UK TEL 03306060934

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here