XOG: Dawlada Soomaaliya Oo Cunuqabateyn Saartay Ahlusuna & Wasiir Garoonka Laga Celiyey

Shakabada Warkii Online ayaa ogaatay in Garoonka diyaaradaha Muqdisho laga hor istaagay inuu ka dhoofo Dhawaan Wasiirkii hore Ee Arimaha Gudaha Soomaaliya.

C/samad Macalin Maxamuud ayaa Wasiir kasoo ahaa Dawladii Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Safarka Ex Wasiir C/samad ayaa ku wajahnaa Dalka Jarmalka oo arimo isaga u gaar ah ugu socday balse loo diiday inuu ka dhoofo Garoonka.

Isniintii Todobaadkaan ayaa is hortaagani dhacay,sabab ay Waaxda Duulista Hawada ku sheegeen in Amar Xukuumada ah ay ku hakiyeen.

Warkii Online ayaa ogaatay in safarkaasi laga baajiyey ilaa amar dambena loo sheegay inuusan ka bixi Karin Muqdisho,taas oo Cunuqabateyn la saaray.

Warar kale ayaa sheegaya in Madaxda Ahlusuna iyaguna Xanibaad Duulimaad la saaray,Ex Wasiir C/samad ayaana arimaha Galmudug loo sababeeyey.

Waxa C/samad dhalay Gudoomiyaha Guud Ee Ahlusuna Waljamaaca Macalin Maxamuud Sheekh Xasan Faarax.

Untitled Document

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

UK TEL 03306060934

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here