(Xog daahsoon) Shirkii Fahad Yaasiin & Khayre oo ka dhacay Doxa-Qatar

LIVE U DHAGEYSO WARKII MAANTA :-0017124329950 USA 7124329950

Reading Time: < 1 minute

Xogo hoose oo ay heshay Muqdisho Online ayaa sheegaya shirkii 10 maalin usocday Raisal Wasaare Hassan Ali Khayre , Fahad Yaasin & Sirdoonka  Qatar in  lagusoo hishiiyay sidii loomaja xaabin lahaa Mucaaradka Dowlada Farmaajo & Dowlad Goboleedyada Puntland & Jubaland .

Fahad Yaasiin oo ah shaqsi jecel in aan la ogaan sirtiisa ayaa Raisal Wasaare Khayre ugu yeeray Caasimada Doha ee dalka Qatar si looga shiro arrimo ayka midyihiin Doorashada & Mucaaradka dowlada,.

Agaasime Fahad Yaasiin ayaa ka quustay in uu shirarka xasaasiga uu ku qabto muqdisho maadama marwalbo banaanka lakeeno sirihiisa & xogaha hoose ee laga helaayo dhaqdhaqaaqisa & shirqoolada uu umaleego xubnaha mucaaradka.

Kulanka kadhacay Doha ayaa Raisal Wasaare Khayre lasoo siiyay qorsho howleed baaxad wayn taaso uu ku indhasarcaadinayo xubnaha mucaaradka in asaga & Farmaajo ay isqilaafsan yihiin sido kale uu Khayre yahay musharax Madaxweyne 2021.

Ujeedada ugu weyn ee laga leeyahay ayaa ah in la ogaado xogta daahsoon ee Madasha Xisbiyada Qaran sida diyaar garoowgooda 2021 markii  muda xileedka Madaxweyne Farmaajo dhamaado goaanka ay qaadan karaan iyo saameenta ay leedahay ficilada ka imaan karo.

Raisal Wasaare Khayre oo ah shaqsi aad uyaqaano sida la isaga keeno ilinta maroodiga aya uxuubsiibtay si cilmeeysan inuu umuujiyo asaga & farmaajo ineey isku rayi eheen asagoo isticmaalayo hadalo qof walbo siduu rabo u micneesan karo .

Lama ago Madaxda Dowlad Goboleedyada Jubaland , Puntland &  madasha xisbiyada qaran ineey ka feejiganyihiin shirqoolada uu wado Raisal Wasaare Khayre .

.fb_iframe_widget_fluid_desktop iframe {
width: 100% !important;
}

The post (Xog daahsoon) Shirkii Fahad Yaasiin & Khayre oo ka dhacay Doxa-Qatar appeared first on Muqdisho Online. Caasimada Muqdisho.


Source: warkii.com

Sports News
WARARKII