XOG Cusub: Qorshe uu Mukhtaar Roobow uga baxsan lahaa xabsi guriga Muqdisho oo fashilmay

Warar lagu kalsoonaan karo ayaa daboolka ka qaadaya in uu fashil kusoo dhamaadey qorshe uu Mukhtaar Roobow damacsanaa in uu ku baxsado.

Hogaamiye ku xigeenkii hore ee Al-Shabaab ayaa haatan wuxuu ku jiraa xabsi guri ku yaala magaaladda caasimadda ah ee Muqdisho.

Illo wareedyo ayaa ku waramaya in ciidamadda ammaanka ay ka heleen xogta ku saabsan baxsashada Roobow kadibna ay tageen guriga.

Hoyga ayaa wuxuu ku yaalaa meel ku dhow Madaxtooyadda, halkaas oo ciidamo si gaar u tababaran ay ku ilaaliyaan.

Qorshaha baxsashadda ayaa ahaa in uu marka hore codsado in uu dibadda ku socdo kadibna banaanka gaari soo istaago kadiba fakado.

Balse, ammaanka oo aad u adkaa ayaa keentay, waxaana xitaa lagu dhowaaday in la dhaawaco markii uu isku dayey in uu iska caabin sameeyo.

Mukhtaar Roobow ayaa Muqdisho ugu xiran Dowladda Soomaaliya, isaga oo loo haysto eedeymo la xiriira in uu sameeyay amar diido.

Untitled Document

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

UK TEL 03306060934

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here