XOG: Cumar Finish oo sharuud adag kuxiray in la heshiiyo wasiir Khadiijo oo labo jeer kusameyse dibin daabyo

Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho, Cumar Filish, ayaa gebi ahaanba wuxuu ka biyo diidey in uu la heshiiyo Wasiirka Cayaaraha.

Khadiija Maxamed Diiriye iyo Cumar Maxamuud Maxamed ayaa isku haya cidda maamuleysa ciyaarta kama dambeysta ee tartanka degmooyinka.

Illo wareedyo ayaa sheegaya in Filish uu xalay telefoonka kula hadlay madaxweyne Farmaajo loona sheegay in uu ogolaado heshiiska.

Balse Filish ayaa qaadacay, isaga oo xusay in uu u baahan yahay door muuqda oo maamulkiisa ku yeesho ciyaarta ama in uu isaga maamulo.

Wasiir Khadiija ayaa dooneysa in wasaaradeeda ay gacanta ku hayso kulanka oo shacabka Muqdisho aad isha ugu hayo in ay qabsoonto.

Khilaafka ugu badan ayaa salka ku haya qaabka loo qabsanayo dhaqaalaha faraha badan ee kasoo xarooda ciyaarta oo boqolaal ruux u daawasho tagto.

Untitled Document

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

UK TEL 03306060934

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here