XOG: Cumar Filish oo go’aan kama dambeys ah ka qaatay qaar kamid ah gudoomiyeyaasha gobolka Banaadir

Gudoomiyaha cusub ee gobolka Banaadir, Cumar Maxamed Maxamuud [Cumar Filish] ayaa go’aankii ugu dambeeyay waxa uu ka qaatay qaar kamid ah gudoomiyeyaasha degmooyinka gobolka, sidda ay xaqiijiyeen illo wareedyo.

Mr Cumar Filish ayaa go’aan wuxuu ku gaarey in uu bedelo doono qaar kamid ah gudoomiyeyaasha, wallow uu ka waaban doono in uu eryo xubnaha aadka ugu dhow Madaxtooyadda gaar ahaan xafiiska madaweynaha.

Xogta la helayo ayaa intaasi raacineysa in shaqsiyaadka cusub ee uu soo magacaabi doono maalmaha soo aadan ay noqon doonan kuwa ay isla soo shaqeyn jireen mudadii uu kamid ahaa gudoomiye kooxeedyadii dalka soo maray.

Macluumaadyo laga helay maamulka gobolka Banaadir ayaa ku waramaya in durba xafiiska Filish ay soo gaareen araajooyin ka imaanaya xubno dhowr ah oo doonaya in xilal kala duwan loo magacaabo.

Sikastaba ha ahaatee, gudoomiyaha oo aanan wali xilka la wareegin ayaa lagu wadaa in maalmaha soo aadan marka uu xafiiska toos u fadhiisto uu kala shaandheyn doono codsiyadda kala duwan ee u yimid.

Untitled Document

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

UK TEL 03306060934

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here