XOG: Ciidanka AMISOM Oo Ka Baxay Ballantii Axmed Madoobe Ka Qaadeen

Wararka Aan ka helayno Magaalada Kismaayo ayaa waxay sheegayaan in maanta Ciidanka AMISOM aysan tegin Xarunta Baarlamaanka Jubbaland oo kasoo horjeeda Xarunta Telefishinka Jubbaland.

Sabtidii markii la dooranayey Gudoonka Cusub Ee baarlamaanka Jubbaland waxaa amniga sugayey Ciidanka Booliska AMISOM iyo kuwa Jubbaland.

Maanta oo Talaado ah oo Murashaxiinta hadal jeedintooda aheyd waxaan tegin Xarunta Daawad Ee Baarlamaanka ku shaqeeyaan Ciidanka AMISOM Booliskooda.

Ciidanka Booliska Jubballand iyo kuwa Madaxtooyada ayaa wada sugayey Amniga Xaruntaasi,sida ay dad goob joog ah sheegeen.

Ilo lagu kalsoon yahay ayaa waxay Warkii Online u sheegeen in arintaan ay sabab utahay shakiga dhacay shalay gala boo ciidan Itoobiyaan ah ay isku dayeen in Garoonka Diyaaradaha Kismaayo ay Amnigeeda la wareegaan.

Tani ayaa dadka qaar ku micneeyeen in Taliyaha ugu sareeya AMISOM uu ka carooday Falkaasi Diyaarad Ciidan Itoobiyaan ah waday ay ka degi weysay Garoonka Kismaayo oo loo diiday.

Khamiista ayaa la filayaa inay dhacdo Doorashada Madaxweynaha Jubbaland,iyadoo laga yaabo inay ciidanka Booliska AMISOM ka qeyb noqdaan sugida Amniga Xarunta Baarlamaanka Jubbaland.

Untitled Document

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

UK TEL 03306060934

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here