XOG: Ciidamo daacad u ah Axmed Madoobe oo xiray Nabadoon caan ah, weerarayna Gurriga Samafale dhintay.

Sidda ay sheegayaan wararka laga helayo magaalada Kismaayo ciidamada gaarka ah ee Jubbaland ayaa weerar ku qaaday mid kamid ah Nabadoonada kasoo horjeeday hanaankii doorashada Axmed Madoobe iyo sidaas oo kale Samafale Deeq Ciise Wabi dhawaan ku geeriyooday qarax ka dhacay magaaladaas oo gurigiisa la weeraray.

Guryaha la weeraray, mid kamid ah waxaa laga burburiyey caruur agoon ahayd oo uu ka tagay Deeq Kismaayo, sidda ay sheegayaan wararka laga baahiyey warbaahinta oo ay ka hadleen qaar kamid ah Ehelada marxuumkaas geeriyooday.

Sidaas oo kale Nabadoon lagu magacaabo Cabdi Calow, oo haysta dhalashada dalka Canada, isla markaasna aad uga soo horjeeda ficilada siyaasadeed ee maamulka Jubbaland, gaar ahaana Madaxweyne Axmed Madoob

Warar ay heshay Warkii.com waxay sheegayaan in Nabadoon Calow uu ahaa mid kamid ah xubnaha diidanaa Axmed Madoobe, isla markaasna ay qabteen maleeshiyaad daacad u ah Madaxweynaha Jubbaland, kuwaas oo markii hore geeyey saldhiga booliska.

Laamaha Ammaanka Jubbaland oo aan la xariirnay wey ka gaabsadeen ka hadlida arrimahan, waxayse sheegaysaa xog aan helnay in lagu xiray mid kamid ah xabsiyada gaarka ah ee ay leeyihiin ciidamada Jubbaland.

Talaabadan ayaa la cambaareeyey dad badan ayaan rumeysan in ay tahay mid kasoo horjeeda xaquuqda Aadanaha, iyadoo ay jireen warar sheegaya in Axmed Madoobe qaatay go`aamo ku wajahan sidii ula dagaalami lahaa mucaaradka kasoo horjeeda.

Xildhibaan Cabdirashiid Xidig iyo Cabdinaasir Seerar oo labaduba sheegtay in ay yihiin Madaxweynayaasha Jubbaland oo ay isku beel kasoo jeedan Axmed Madoobe ayaa kula sugan magaalada Kismaayo, waxaana muuqata in ay tahay hadda taagan tahay halis weyn.

Kismaayo

Ciidamo katirsan Maamulka Jubbaland ayaa burburiyey Guri ay la haayeen Agoon aabahood uu ku geeriyoodey weerarkii lagu qaadey Hotel Madiina Ex Cascasey ee Magaalad Kismaayo iyo Ehelada Agoonta oo si adag uga hadley.

Slået op af Official Somali Cable i Tirsdag den 1. oktober 2019

Untitled Document

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

UK TEL 03306060934

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here