XOG: C/kiriin Xuseen Guuleed Oo Shir Xasaasi Ah La Qaatay Dr C/qaasim Salaad Xasan

Madaxweynihii hore Ee Dawlad Gobolleedka Galmudug C/kiriin Xuseen Guuleed ayaa waxa uu ka hadlay Shir gaar ah uu la qaatay Madaxweynihii Hore Ee TNG-da Soomaaliya C/qaasim Salaad Xasan.

Kulanka Labada Madaxweyne ayaa waxa uu ahaa mid looga arinsaday Siyaasada Soomaaliya iyo sida loogu adeegi karo Shacabka daalaa dhaca Dagaalada weli ku jira.

C/kiriin Guuleed waxa uu sheegay in Hoygiisa uu ugu tegay Dr C/qaasim uuna Aqoonyahanka Sheeko wadaag oo siyaasad iyo mid gaar ahba ay dhex martay.

Guuleed waxa uu sheegay in uu kaga mahad celinayo wakhtiga iyo dhiiri gelinta siyaasadeed uu ka helay Dr C/qaasim Salaad Xasan oo Muddo ku nool Dalka Masar Caasimadiisa Qaahira.

Waxa la sheegay in Wasiirkii hore Ee Amniga Soomaaliya C/kiriin Xuseen Guuleed uu doonayo Madaxweynaha Soomaaliya isku soo sharaxo sanadka 2021-ka Soomaaliya.

Untitled Document

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

UK TEL 03306060934

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here