XOG: Amar Culus Uu Bixiyey Ra’iisal Wasaare Xasan Cali Kheyre Oo Ka Dhan Ah Al Shabaab

Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa diiday inuu warbaahinta la hadlo shalay markii uu kormeeray Seddex Wasaaradood Oo Xukuumadiisa hoos yimaado iyo Dekada Magaalada Muqdisho.

Waa mid uu ugu kuur galayey shaqada ka socotay Xarumaha uu tegay,waxa uu xog wareystay Ra’iisal Wasaaruhu Shaqaalaha iyo Mas’uuliyiinta Dekada Xamar iyo Wasaaradihii uu kormeeray.

Xasan Cali Kheyre ayaa waxa uu si gaar ah ula hadlay ganacsatada Badeecadaha kala duwan kala soo degga Dekada Muqdisho,isagoo amray inaysan Lacag siin Karin Ururka Al Shabaab.

Waxay Xukuumadu sheegtay inay Lacagtaasi muhiim u tahay dib udhiska Dalka oo Cadowga oo lasiiyo ay ka dhigan tahay in dhankooda ka qeyb yihiin bur burinta Dalka.

Ra’iisal Wasaare Kheyre waxa uu sheegay in Dawlada Soomaaliya ay Sharci ahaan xaq uleedahay maamulida Canshuurta Badeecadaha Dekada Laga soo dejiyo.

Waa Labo daran mid dooro ay la kulmayaan Ganacsatada,waxaana ay sheegeen hadii ay diidaan inay Al Shabaab dhibaato kala kulmi karaan Lacagaha ay Canshuur ahaanta kaga qaataan.

Untitled Document

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

UK TEL 03306060934

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here