XOG: Afhayeenka Farmaajo oo guri uu ka iibsaday Ingiriiska ka bixiyey lacago badan

Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Warbaahinta Madaxtooyada, Cabdinuur Maxamed Axmed ahna afhayeenka madaxweyne Farmaajo ayaa wuxuu guri ka iibsaday waddanka Ingiriiska, sidda ay ogaatay Warkii Online..

Illo wareedyo lagu kalsoonaan karo ayaa xaqiijiyey in Cabdinuur uu hoygaasi oo ku yaala duleedka magaaladda caasimadda ah ee London uu ka bixiyay aduun lacageed gaaraya 15.8 milyan oo Doollar-ka Mareykanka.

Cabdinuur oo markii hore deganaa waddanka Kenya ayaa u wareegay halkaasi, waxaana aanan la ogayn halka uu lacagta ka keenay.

Warbixinadda ayaa intaasi raacinaya in mas’uulkan uu qoyskiisa si rasmi ah ugu raray UK, bishii August ee sanadkan 2019-ka

Sikastaba ha ahaatee, arrintan ayaa imaaneysa iyadda oo mudda xil-heynta Farmaajo ay uga harsan tahay sanad iyo bar, isla markaana wixii haatan ka dambeeya uu geli doono olale doorasho oo soo noqosho ah.

Untitled Document

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

UK TEL 03306060934

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here