Xisbiyada uu hogaamiyo Salaad Ali Jeele oo kulan ku qabsan rabaa Muqdisho

LIVE U DHAGEYSO WARKII MAANTA :-0017124329950 USA 7124329950

Reading Time: < 1 minute

Xisbiyada Farmaajeeysan ee uu hoggaamiyo Salaad Ali Jeelle ayaa Kulan Qado ah ku leh leh Hotel Royal Plaze Maanta .

Kulanka  qadada waxaa  soo qaban qaabiyay Xafiiska Madaxtooyada  iyadoo markii uu kulanka soo dhamaado ay warfiyeenada la hadli doonaan Siyaasiin uu ka mid yahay Salaad Ali Jeele , Abdullahi Shiekh Hassan, & Fowsiyo Shiekh Aadan waxeeyna si cad u sheegi doonaan in aysan aqbaleeynin in la baalmaro sharciga doorashooyinka Qaranka.

Xisbiyadaas oo ah kuwo ku hoos nool dhaqaalaha & balan qaadka Madaxweyne Farmaajo ayaan marnaba is waydiineynin . waxaa gabaabsi sii maraayo mudo xileedka Dowlada , Dalkana uma diyaarsano in ay ka dhacdo doorasho qof & cod  sababo ay sheegeen GMDQ Sidee looga gudbi karaa waqtiga kala guurka loona heli karaa dowlad heysata kalsoonida shacabka ?

Hubanta Xisbiyadaan hadafkoodu waa in ay gacan ku siyaan Madaxweyne farmaajo sidii uu ku heli lahaa mudo kordhin 2 sano ah wax dana uguma jirto in Soomaaliya doorasho ka dhacdo waqtigaan .

Waxaa wax lala yaabo ah in inta badan dhaqanka siyaasiinta soomaaliyeed uu yahay mid lagu raadsado dhaqaalo , . siyaasiintaas ayaa lagu gartaa kuwa had & jeer media soo tagan ayagoo marba meeshii dhaqaalo ka hela taageera waxaana ku dheereyaa farsamadaas Xildhibaan Dalxa , Xildhibaan Daahir Amiin Jeeso, Siyaasi Abdullahi Shiekh Hassan Siyaasi Salaad Ali Jeele , Wasiir Abdullahi Goodax Barre & Wasiirad Khadiijo Mohamed Diiriye IWM.

Siyaasiintaan malahan aragti dheer oo siyaasadeed sida in dalkaan meesha uu joogo hore looga sii dhaqaajiyo, in dalka loo jiheeyo Hormar & Amni, Balse Siyaaasiinta Soomaalida ayaa noqday kuwa ku shaqeeyo dhaqaale si xishood la’aan ah ayeey idaacadaha uga hadlaan waxaadna arkeeysa 1 bil gudaheed ayagoo laba afleeynaayo.

.fb_iframe_widget_fluid_desktop iframe {
width: 100% !important;
}

The post Xisbiyada uu hogaamiyo Salaad Ali Jeele oo kulan ku qabsan rabaa Muqdisho appeared first on Muqdisho Online. Caasimada Muqdisho.


Source: warkii.com

Sports News
WARARKII