Xisbiga Xasan Sheekh Oo Ka Hadlay Xayiraadii Shariif Kuna Baaqay Shir Deg-Deg Ah

Xisbiga Midowga Nabadda iyo Horumarka UPD ee uu hogaamiyo Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si kulul u Cambaareeyay falkii shalay dowladda federaalka ku xayirtay Sheekh Shariif iyo wafdigii la socday oo ku wajahnaa Kismaayo.

Xisbiga UPD ayaa uga ka digaya in hay’addaha qaranka ee bixiya adeegga guud loo isticmaalo dano gaar ah oo aan waafaqsaneyn dastuurka KMG ah qodobkiisa 33-aad.

Sidoo kale Xisbiga Midowga Nabadda iyo Horumarka UPD ayaa Xukuumadda Soomaaliya ku eedeeyay inay ku tumaneyso xoriyadda lama taabtaanka ah ee Dastuurka damaanad qaaday.

Xisbiga Midowga Nabadda iyo Horumarka UPD ayaa saamileyda siyaasadeed ugu baaqay inay isugu yimaadan Shir deg deg ah oo looga tashanayo xad-gudubka ka dhan ah xuquuqaha Dastuuriga ah.

Hoos ka Akhriso War-saxaafadeed ka soo baxay Xisbiga Xasan Sheekh.

Untitled Document

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

UK TEL 03306060934

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here