Xisbiga mucaaridka ah ee Waddani ee Soomaaliland ayaa maanta waxaa uu ku dhawaaqay in uu gabi ahaanba ay ka baxeen heshiiskii xisbiyada Somaliland ay dhawaan ka gareen arimaha doorashooyinka ee lagu saxeexay madaxtooyada Somaliland.
Hogaamiyaha xisbiga Waddani Xirsi Cali Xaaji Xassan oo warbaahinta la hadley ayaa waxaa uu xukuumada iyo xisbigeeda Kulmiye ku eedeyey in heshiiskaas ay ka baxeen.
Sidoo kale Xirse ayaa waxaa uu shaaca ka qaaday in aysan fuli doonin qodobadii ay dhawaan kala saxiisdeen Xisbiyada Kulmiye, UCID iyo Waddani oo looga heshiiyay arimaha Doorashooyinka iyo inta ay noqonayaan Xubnaga Gudigga Doorashooyinka Somaliland.
Xisbiyadda Somaliland ayaa horey ugu heshiiyay in Gudiga doorashooyinku ay noqdaan 9 Xubnood , halka shalay Golaha Wakiiladu ay sheegeen in ay ka dhigeen 7 Xubnood.
Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292
UK TEL 03306060934